Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowlada Ingiriiska Oo Ciidamada Booliiska Somaliya Ugu Deeqday Jaakadaha Xabadaha Karin iyo Qalab Kale.



Sun 10 June 2018.

Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska, ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay soo gaarsiiyey Qalab Ciidan oo ka kooban , Jaakadaha Xabadda Celiya, Katiinadaha dambiileyaasha lagu xiro, iyo Dharka dhaxanta laga xirto, waxaana Qalabkaasi guddoomay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Dr Cabdi Aakhiro, Guddoomiyaha Somali Support Association oo ah Hey’adda Booliska Ingiriiska ay u wakiisheen in qalabkaasi la gaarsiiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa S/guuto Bashiir Warbixin ka siiyey qalabkaasi iyo Noocyada kala duwan ee ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Hey’adda Somali Support Association Dr Cabdi Aakhiro, ayaa sheegay in Deeqda qalabkaan ay ka timid Ciidanka Booliska UK, islamarkaana Hay’addiisa loo soo wakiishay inuu gaarsiiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaggoo tilmaamay in waxbadan ay ka badali doonaan qalabkaan habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.



72 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines