Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mudaharaado ka Dhan ah Hay'adda Dawlada Oo Gil-gilay Dalka Romania.



Sat 09 June 2018.

Tobannaan kun ayaa isugu soo baxay dalka Romania si ay uga qayb qaataan dibadbax ka dhan ah hay'adda qaran ee la dagaalanka musuqmaasuqa.

Dibadbaxyadani ayaa waxaa soo qabanqaabisay dowladda oo gaadiid ku soo daabushay taageerayaasha oo intooda badan xirnaa funaanado caddaan ah.

Dibadbaxyada ayaa ka dhacay wadooyiinka caasimadda Romania ee, Bucharest.

Waxa ay doonayaan in ay ku qasbaan madaxwayne Klaus Iohannis in uu u hogaansamo amarkii maxkamadda dastuuriga ee ahaa in uu xilka ka qaado madaxa hay'adda la dagaalanka musuqmaasuqa.

Sarkaalka hogaamiya hay'adda la dagaalanka musuqa ayaa ku guulaystay in uu dacwad ku soo oogo siyaasiyiin badan.

Dowladda dalkaasi ayaa ku adkaysanaysa in ay doonayso in ay ilaaliso sumcadeeda islamarkana duqa magaalada Bucharest, Gabriela Firea, ayaa dibadbaxayaasha u sheegay in ay u dagaalamaan xurriyadooda.

Dadka taageersan hay'adda la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa sheegaya in ay sare u qaaday heerka Romania ee caalamka.



22 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines