Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo Oo Hey’adaha Amniga ku Amray in la Furo Jidadka xiran.



Sat 09 June 2018.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa faray Hey’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada oo maalmihii la soo dhaafay ay shacabka dhib ku qabeen, kaddib markii ay ciidamada xireen jidad dhowr ah.

Qoraal kooban oo lagu soo qoray barta Twitter-ka Madaxweynaha ayaa lagu yiri “Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada”.

Baraha Bulshada ayaa waxaa hareeyay doodo ku saabsan xirnaanshaha waddooyinka oo dadka meelaha qaar laga celinayo, sidoo kalena gaadiidka lagu amrayo inay kala wareegaan, waxaana cabashada dadweynaha ay timid, iyadoo loo diyaar garoobayo maalmah Ciidul Fidriga oo fooda nagu soo heyso.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in xilligii ololaha uu ku jiray iyo khudbadiisa Musharaxnimada ee uu ka hor-jeediyay Baarlamaanka ku balan-qaaday in aan jidadka la xiri doonin, awoodda dowladdana aanay shacabka ku caburin doonin, balse waxaa la is weydiinayaa waxa illaa hada ka dhaqan galay balan-qaadyadaas.

Hase ahaatee waxaa muuqata inay sii kordheen caburinta shacabka iyo xirnaanshaha waddooyinka, iyadoo la xiray min jid cade illaa laami, waxaana dadka reer Muqdisho ku noqday magaalada xabsi kor ka xiran.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray dhamaan waddooyinka soo aada dhanka Wadada Maka Al-Mukarama iyo Isgoysyada Wadada Wadnaha, waxaana dadka ay lugeynayeen meelaha qaar ee loo diido in gaadiid lagu maro.



23 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines