Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Askari Mareykan ah Oo Lagu Dilay Weerar Alshaab ku Qaaday Kolonyo Ciidan ah Oo Marayay Duleedka Kismaayo.



Fri 08 June 2018.

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in weerar gelinkii dambe ee maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo lagu dilay askari Mareykan ah, halka lagu dhaawacay afar kale, kaddib markii wadada loo galay.

 

Sida wararku sheegayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraray kolonyo ay la socdeen Ciidamo Mareykan ah iyo Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya meel 50KM waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

Dagaal culus ayaa ka dhacay aaggaas, iyadoo la sheegay in khasaare xoog leh uu ka dhashay.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa goor sii horeysay sheegay inay weerareen Ciidamo Mareykan iyo Soomaali isla socday agagaarka deegaanka Sanguuni ee duleedka Kismaayo.

Ciidamada Mareykanka ayaa ka qeyb qaata howl galada gaarka ee ay fuliyaan Ciidamada Kumaandooska, waxaana la sheegaa in Soomaaliya ay joogaan boqolaal ka tirsan Ciidamada sida gaarka u tababaran.

Waa askarigii labaad oo lagu dilo Soomaaliya, tan iyo markii uu xilka Madaxweynaha Mareykanka loo doortay Donald Trump, bishii May ee sanadkii 2017 ayay aheyd markii askari Mareykan lagu dilay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, xilli ay ka qeyb qaadanayeen howl gal wadajir ah oo ay la fuliyeen Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya.



23 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines