Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qaramada Midoobey Oo Cunaqabateyn ku soo Rogtay Magafayaasha Tahriibka Libiya.



Fri 08 June 2018.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Lix ka mid ah Hoggaamiyeyaasha dadka ka Tahriibiya dalka Libiya ee loo yaqaano Magafe, kuwaasoo qaarkood ah maalqabeeno.

Qaraar ay soo diyaarisay dowladda Holland oo xubin ka ah sanadkan Golaha Ammaanka ayaa waxaa laga geeyay dadka ku shaqeysta Tahriibinta oo ay ku jiraan kooxo silsilado isugu xiran oo dadka tahriibiya

Shaqsiyaadka Magafayaasha ee cunaqabateynta la saaray ayaa lacag badan ka sameeyay madax furashada iyo dadka ay u tahriibiyaan dalka Talyaaniga.

Sarkaal ka tirsan Ciidamadda Badda Libiya oo lagu magacaabo Abdulrahman Al Maajid ayaa ka mid noqday shaqsiyaadka cunaqabateynta la saaray, kaasoo hoggaamin jiray kooxaha afduubka ku heysta dadka tahriibayaasha.

Waxaa kaloo shaqsiyaadka cunaqabateynta la saaray ka mid ah Axmed Al Dabbashi oo ah Hoggaamiye kooxeedyada ugu weyn ee ka ganacsatada Tahriibayaasha Liibiya lagu heysto, waxaa uu heystaa maleeshiyaad fara badan.

Sidoo kale dadka kale ee cunaqabateynta la saaray ayaa waxay kala yihiin Mohamed Kachlaf, Ermias Ghermay oo u dhashay dalka Eritrea, waxaa baadigoobaya Booliska Adduunka ee Interpol.

Muscab Abu Qarin ayaa isna loo heystnaa in sanadkii 2015 uu u tahriibiyay dad gaaraya 45,00, waxaa la sheegaa in ninkan xiriiro badan la leeyahay kooxaha kala duwan ee ku sugan dalka Libiya, Fitiwi Abdelrisaq oo u dhashay dalka Eritrea ayaa loo heystaa inuu dadka ka soo tahriibiyo dalalka Eritrea iyo Itoobiya oo lagu dhibaateeyo dalka Liibiya.

Waa markii u horeysay ee cunaqabateyn lagu soo rogay hoggaamiyaasha ku shaqeysta ka ganacsiga Tahriibka Liibiya ee loo yaqaano Magafe, waxaana ay ka sameeyaan lacago aad u fara badan.



20 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines