Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Booqasho ku Tagay Dekeda Dooraale Iyo Xarunta Isgaarsiinta Jabuuti.(Sawiro)



Fri 08 June 2018.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahaan booqasho ku joogay Jabuuti ayaa booqday xarunta isgaarsiinta dalkaas iyo Dekadda Dooraale.

Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta Jabuuti Cabdi Youssouf Sougueh iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Ra’iisul Wasaaraha geeyay xarunta Isgaarsiinta iyo Dekadda Dooraale waxaana Ra’iisul Wasaaruhu ku bogaadiyay reer Jabuuti isku tashiga ballaaran ee ay sameeyeen, isaga oo ka codsaday in walaalahooda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan arrimaha Dekaddaha iyo Isgaarsiinta.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ammaanay horumarka ballaaran ee Dowladda Jabuuti ka samaysay dhinaca horumarinta adeegyada la xiriira xargaha Fiber optic-ga, isagoo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iideysan doonto khibradda dowladda Jabuuti

Wasiirka arimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta, Eng. Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale ayaa ka mid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare Kheyre ee maalmahaan ku sugnaa Jabuuti.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu kusugnaa Jabuuti waxaa uu la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeyaa labada dal iyo guud ahaan gobolka.



21 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines