Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Iyo Ku-xigeenkiisa Oo 35% Mushaharkooda U Jaraya Dagaalka Tukaraq.



Fri 08 June 2018.

Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Qabsoomay maalintii Khamiistii ayaa lagu go’aamiyey in Mashaariicda Horumarineed ee ku jira Miisaaniyadda Qaranka boqolkiiba Shan looga jaro Difaaca Qaranka, inta lagu jiro bilaha July illaa December, 2018.
 
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa boqolkiiba labaatan ka mid ah Mushaharkiisa u jaraya difaaca Qaranka, halka Madaxweyne ku-xigeenkuna uu Mushaharkiisa boqolkiiba 15 u jaraya Difaaca Qaranka.
 
Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirrada ee xarunta Madaxtooyada JSL ka qabsoomay Khamiistii.
 
“Golaha wasiirradu waxa uu go’aamiyey in mashaariicda horumarineed ee miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2018-ka bilaha july ilaa iyo December laga jaro 5%(Boqolkiiba shan) lagu kabayo xaaladda difaaca qaranka, isla-markaana
mushaharka Madaxweynaha laga gooyo 20%(boqolkiiba labaatan), halka mushaharka madaxweyne-ku-xigeenkana laga jari doono 15% (Boqolkiiba shan iyo toban), iyada oo  xubnaha golaha wasiirradana laga jari doono 10%(Boqolkiiba toban).” Ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka.
 
 
Warka ka soo baxay Madaxtooyada ayaa waxa lagu sheegay in Shirka Khamiislaha ah ee Golaha Wasiirrada Hambalyo iyo bogaadin loogu diray Geesiyaasha ciidanka qaranka ee sugidda xuduudaha iyo difaaca qaranka u dabran.

 



35 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines