Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dowladda Ghana Oo Kala Dirtay Dhamaan Howlwadeenadii Kubada Cagta Ee Dalkaasi.



Thu 07 June 2018.

Dowladda Ghana ayaa sheegaysa in lakala diray dhamaan howlihii kubada cagta ee dalkaasi ka dib markii ay soo baxeen fadeexado la xiriira nidaamka kubada cagta ee dalkaasi gaar ahaan lacago laaluush ah oo la sheegay inay qaateen madaxda xiriirada kubada cagta. Warkan ayaa waxaa lagu sheegay baaritaan qarsoon oo uu sameeyey weriye lagu magacaabo Anas Aremeyaw Anas.

Dowladda ayaa sheegaysa inay gudi kumeelgaar ah u saarayso inay maamulaan howlaha kubada cagta ee dalka. Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee dalkaasi Isaac Asiamah ayaa laga soo xigtay isagoo sheegaya in lakala diray kubada cagta ee dalkaasi si ku meelgaar ah.

Tani ayaa micnaheedu noqonaysaa in tilaabadani ay saamaynayso tartanada gudaha ee kubada cagta ee hada socda iyo waliba kooxda qaranka ee dalkaasi.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in booliska ay baarayaan saraakiisha lagu eedeeyey musuqmaasuqa.

Amuurtani ayaa waxay sharafdaro ku tahay anshaxa ciyaaraha ee xiriirka kubada cagta ee dunida, dowladuna waxay la xiriiraysaa xiriirka kubada cagta ee Afrika iyo xiriirka FIFA ee dunida.

Baarlamaanka dalkaasi Ghana ayaa sidoo kale arimaha musuqmaasuqani u saaraya gudi soo baara.

Tiro saraakiisha ciyaaraha ah ayaa laga duubay iyagoo qaadanaya lacago laaluush ah waxaana laga sameeyey decumentari ay la cajabeen dad badan oo Ghana ku nool



81 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines