Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qarax Lagu Diley Guddoomiye Waaxeedka Tirsan Degmada Yaaqshiid Oo ka Dhacay Muqdisho,Iyo Alshabaab Oo Sheegatay.



Thu 07 June 2018.

qarax gelinkii dambe ee maanta lagula eegtay magaalada Muqdisho gaari uu la socday masuul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa lagu diley Cali Cabdi Geedi Farayare oo ahaa guddoomiyihii waaxda 1-da Maajo ee degmada Yaaqshiid iyo askari  ilaalo u ahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ka hor ay kooxo hubeysan rasaas ku fureen gaariga uu la socday masuulkan oo noociisu ahaa NOAH.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Warshaddii hore ee barafuunka, degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Dilka mas’uulkan ayaa waxaa uu ka mid yahay dilalka dhowaan  ka dhacayay magaalada Muqdisho,dilkan ayaa waxaa sheegtay ururka  Al-Shabaab.



77 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines