Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynaha Burundi Oo ka Tanaasulay Inuu Dib Iskugu soo Sharaxo Xilka Madaxtinimada Dalkaasi.



Thu 07 June 2018.

Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa sheegay in aanu mar dambe isku soo sharixi doonin marka muddo xileedkiisa haatan ee ku eg 2020 ay dhamaato, Isagoo hadalkaasi ka sheegay magaalada Bugendana ee gobolka Gitenga oo lagu saxeexayey dhaqan gelinta dastuurka cusub ee dalka.

Bishii hore ayaa dadka reer Bururndi si aada ugu codeeyeen afti lagu taageerayey in waxa laga bedelo dastuurka, kuwaas oo ay ka mid ahayd in muddo xileedka madaxweynaha oo markii hore ahayd shan sananadood oo haatan laga dhigay todoba sanadood.

Dad badan baa rumaysnaa in Nkurunziza si toos ah u doonayey inuu bedelo mudo xileedka si uu xukunka u sii haysto ilaa 2034.

Hogaamiyahan oo 54 jir ah ayaa waxa uu sanadkii 2015 kii u tartamay muddo xileed saddexaad oo muran badan keentay waxaana ka dhashay mawjado qalalaase ah iyo isku day afgembi oo ay ciidamada dawladdu fashiliyeen.

Qalalaasahaa siyaasadeed na waxa ku dhintay boqolaal qof 400,000 oo qof iyo dheeraad na dalka ayay ka qaxeen.



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines