Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Somaliland Oo soo Dhawaysay Lacagtii Dowladda Soomaaliya Ugu Deeqday Dadka Duufaantu Saamaysay.



Thu 07 June 2018.

Maamulka Somaliland ayaa aqbalay, soona dhoweeyay lacagtii ay dhowaan dowladda Soomaaliya ugu tala gashay gurmadka dhibaatadii ka dhalatay duufaantii ku dhufatay deegaanada Gobolka Awdal.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay soo dhoweynayana cid kasta oo wax kala qabaneysa aafadii ka soo gaartay duufaantii bishii hore ku dhufatay gobolka Awdal.

“Waa soo dhoweynaynaa cid kasta oo wax nagala qabaneysa aafadii naga soo gaaray duufaantii deegaanada Awdal ku dhufatay, sida la socotaan bishii October sanadkii 2011, markii abaarta ka dhacday Soomaaliya u gurmanay, waxaan u geynay lacag illaa 900 oo kun”ayuu yiri Sacad Cali Shire.

Waxaa uu sheegay in duufaanta kaliya aanay saameyn Gobolada Waqooyi/Galbeed iyo Awdal, balse ay jiraan gobolo kale.

Sacad Cali Shire ayaa sidoo kale sheegay in lacagtaas ay ku wareejinayaan Guddiga gurmadka aafooyinka Somaliland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa lacag gaareysa hal milyan oo doolar ugu deeqday gurmadka duufaanta ku dhufatay Somaliland oo saameyn ku yeelatay dad iyo duunyo



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines