Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Tirada Wasiirada Haweenka Ee Dalka Spain Oo ka Batay Ragga.



Thu 07 June 2018.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Spain Pedro Sanchez ayaa soo magacaabay tiradii ugu badneyn oo Haween ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

 

17-ka Golaha Wasiirada ayaa 11 ka mid ah ay yihiin Haween, taasoo noqoneysa  tiradii ugu badneyd abid taariikhda dalka Spain iyo dalalka Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Spain oo sheegta inuu arrimaha Haweenka u jajaban yahay ayaa tallaabada uu qaaday inay ka duwan tahay tii Ra’iisul Wasaarihii hore oo ay Golihiisa Wasiirada u badnaayeen Ragga.

Boqorka Spain ayaa dhaariyay Golaha wasiirada cusub ee Spain, kaddib todobaad markii xilka laga qaaday Ra’iisul Wasaarihii hore Mariano Rajoy oo soo wajahday fadeexado musuq maasuq.

Haweenka ayaa loo magacaabay xilalka ugu culus, sida Wasiirka Difaaca, Dhaqaalaha, Maaliyadda iyo Waxbarashada.



25 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines