Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kaaliyaha Xoghayaha Guud QM Ee Arrimaha Siyaasadda Oo Booqasho ku Timid Muqdisho.(Sawiro)



Thu 07 June 2018.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Siyaasadda Rosemary DiCarlo ayaa maanta booqashadeeda u horeysay ku timid Soomaaliya, tan iyo markii xilkaas dhowaan loo magacaabay.

Rosemary Di Carlo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Siyaasadda, waxaana ay ka wada hadleen taageerada Qaramada Midoobey shacabka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo arrimaha kale ee mudnaanta leh.

Waxaa ay sheegtay in socdaalkeeda Soomaaliya uu la xiriiro si ay u taageerto geeddi socodka siyaasadda iyo Nabadda ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii Soomaaliya looga caawin sidii ay uga gudbi laheyd caqabadaha nabadgelyo xaaladaha bani’aadanimo.

Sidoo kale waxaa ay ammaantay horumarada ay sameysay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adaha dastuuriga, shirkii dib u eegista dastuurka iyo dadaalada la doonayo in sanadkan gudihiisa lagu soo gabagabeeyo howlaha dib u eegista dastuurka

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ayaa sheegtay in Soomaaliya ay xilligan ku jirto xaalad adag, waxaa ay xustay in horumarka laga gaaro dib u eegista Dastuurka ay horseedi karto guulo, sidoo kale waxaa ay tilmaamtay inay lagama maarmaan tahay midnimada Soomaaliya, sida horumarinta Federaaleynta, in hoos loo dhigo rabshadaha in laga adkaado kooxaha argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bani’aadanimo.



26 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines