Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dab Qabsaday Hoteel Wayn Oo ku Yaal Bartamaha Magaalada London,



Wed 06 June 2018.

Dab xooggan ayaa qabsaday mid kamid ah hoteellada raaxada ee kuyaal bartamaha magaalada London, todobbaad uun kadib markii dib loo cusboonaysiiyey uuna dhammaystay taariikhdiisa oo gaaraysa 115 sano.

Holac iyo qiiq kasoo baxaya ayaa la arkayey hoteelka wayn ee lagu magacaabo Mandarin Oriental oo kuyaal xaafadda bariga London kutaal ee Knightsbridge.

Ku dhawaad 120 dadka dabka damiya ah iyo 20 matoor ayaa lageeyey halka dhacdadu ay ka dhacday ee kutaal William Street, ee magaalada London.

Sida uu sheegay afhayeen hadlay ilaa iyo hadda lama oga sababta dhalisay dabkaas.

Gawaarida gargaarka dagdagga ah iyo Booliiska ayaa ka qayb qaadanaya xaaladda lagu daminayo dabka, sidoo kale lama soo sheegin wax dhaawac ah, sida ay sheegtay waaxda dab damiska.

Kadib markii uu dabku qabsaday dhismaha, shaqalihii ayaa loo daad gureeyey dhismaha Hyde Park, halkaas oo loogu qaybiyey caagado biyo ah.



85 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines