Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wafti Uu Hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Caawa Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Jabuuti.



Wed 06 June 2018.

Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti iyo mas’uuliyiin Kale ayaa caawa goroonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre oo gaaray magaaladda Jabuuti ee D-Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay la socdeen wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, ayaa la qorsheeyaa in booqasho labo cisho ah ay ku joogaan magaaladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalinta berri ah kulan la qaadan doona Madaxwayanaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.



50 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines