Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Askari Caawa Lagu Diley Degmada Balcad Ee Gobolka Shabeelada Dhexe.



Wed 06 June 2018.

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in goordhow lagu diley askari ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Askarigan ayaa la sheegay in la diley xilli uu ka soo baxayay masjid ku yaal magaalada Balcad, waxaana goobta uu dilka ka dhacay ka baxsaday raggii ka dambeeyay dilka askarigan.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in ciidamada ammaanka degmada Balcad ay goobta gaareen halkaasna ay baaritaano ka sameynayaan.

Askariga la diley ayaa la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada kahowgala saldhigga Balli-Doogle waxaana la sheegay inuu u yimid degmada Balcad inuu la ciido waalidkiis uu degen degmada Balcad.



62 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines