Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Gaas Oo Sheegay Inuu Guul ku Dhamaaday Shirkii Baydhabo.



Wed 06 June 2018.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dib ugu laabtay magaalada xarunta ah ee Garoowe wuxuu sheegay shirkii amniga qaranka ee shalay lugu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo inuu ku soo dhammaaday si guul ah.

Go’aamadii shirka ka soo baxay, wuxuu ku sheegay madaxweynaha Puntland inay muhiim u ahaayeen masiirka Soomaaliya iyo inay horey u socoto Soomaaliya.

“ Waxaan ku maqneyen magaalada Baydhabo , halkaas oo aan kaga qeyb galnay shirkii amniga Soomaaliya, dabcan shirka waxaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo amnigu ugu horreeyo, qeybsiga khayraadka, arrimo la-xiriira doorashada 2020... dabcan waxa kasoo baxay waad la-socotaan go’aamo iyo heshiisyo arrimaahaas la-xiriira oo aan isleeyahay waa arrimo muhiim u ah masiirka Soomaaliya iyo in Soomaaliya horey u socoto oo an is leenahay waxay sii adkeenaysaa Federaalisimka markaan eegno go’aamada soo baxay waxay qeybinaysa awoodda Soomaaliya, waxay horumarinaysaa nidaamka aan anagu hurmuudka ka ahayn federaalisimka.”ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Shirka golaha loo-dhanyahay ee amniga qaranka oo sannadkiiba mar la qabto ayaa inta badan diirrada lugu saara arrimaha amniga , waxaana sannadkan ku cusub dowladda Federaalka inay ku caawin doonto hub,saanad,agab ciidan,raashindawo,guno, tababar iyo tayeen, ciidammada booliska iyo kuwa sidda milateriga loo tababarro ee dowlad-gobolleedyada dalka.



77 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines