Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ilhaan Cumar Oo U Tartameysa Aqalka Wakiilada Marekanka Congress-ka.



Wed 06 June 2018.

Ilhan Cumar oo ka tirsan Baarlamaanka gobolka Minnesota ayaa hadda u tartami doonta Aqalka Congress-ka ee wakiilada Marekanka , taaso ka dhigeysa qofkii labaad ee Soomaali-Marekan ah oo xilka isku soo sharraxa.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay inan tago Congress-ka oo aan cod u noqdo kuwa aan codka lahayn .. annigo hubinnaya inan la imaado dagaalkii adkaa ee aan la-imid maalinkii koowaad.” Ilhan ayaa sida sheegtey iyadoo warbaahinta kula hadashay xafiiska is-diwaangelinta ee musharrixiinta doorashooyinka gobolka Minnesota.

Ilhan, waxaa kalo ay sheegtay inay dalka Marekanka ku soo gashay qaxootinimo oo ay garan karto baahidda u qabo qoyska dan’yarta ah ee Marekanka ee doonnaya inuu helo dugsi qiimihisa la isku bixin karo iyo shaqo wanagsan, waxaa ay inta ku dartay muddadii ay ka tirsaneyd Baarlamaanka Minnesota inay la-timid karti iyo hoggaan wanagsan , waqtigaanna ay diyaar u tahay inay si hufan ugu dooddo dadka Minnesota - kuna matasho golaha wakiilada.

“Waxaan caddeeyay inan ahay qof soo-baxa dagaal adag-gala natiijana keenna ... waxaan diyaar u ahay isla wixii aan sameeyay inan hadda u sameeyo dadka deggan degmada shanaad iyo dadka deggan gobolka Minnesota.”

Kursiga Ilhan Cumar ay u tartameyso waxaa muddo ku dhow 12 sanno ku matalayay gobolka Minnesota Keith Ellison oo ah mudinihii ugu horreeyay ee Muslim ah oo congress-ka Maraykanka gala, wuxuu Ellison sheegay inuu kursiga banneynayo - isagoo doonaya inuu u tartamo Xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Minnesota.

“Waxaan u han-qal-taagaya inan sii wado taariikhdii mudane Keith Ellison isagoo dhammaanteen inuu dagaallamay - dagaalka oo aan ahayn Congress-ka oo kaliya ee xata halkan, iyadoo codka uu ku xisaabsan-yahay macnana ku fadhiyo.” ayay tiri Ilhan Cumar.

Illaa toban musharrax ayaa u tartamaya kursiga ay dooneyso Ilhan Cumar , waxaa ka mid ah Jamaal Cabdullaahi oo ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota , waa fallanqeeya waxna ka qora arrimaha siyaasadda, docda kale kursiga xildhibaanka gobolka Minnesota ee Ilhan Cumar waxaa ka mid musharrixiinta isku soo sharraxay Maxamed Nuur oo jaaliyadda Soomaalida ka mid ah horeyna ugu guul-darreystay kursiga.



54 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines