Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Kenya Oo Si Caro Leh Uga Jawaabtay Is-bar-bardhigay Lagu Smaeeyay Garoomada Diraarahada Muqdisho Iyo Nairobi.



Wed 06 June 2018.

Kenya ayaa ka carootay in garoonkeeda caalamiga ah ee Nairobi lala barbadhigay Soomaaliya waxayna dalbatay raaligelin.

Hadalka waxaa toddobaadkii la soo dhaafay jeediyay guddoomiyaha dallada shirkada diyaaradaha ee Australia kaddib markii shirkadda dulimaadka Qantas lagu khasbay diyaaradeeda inay bixiso $18,000 oo ganaax ah maadama ay si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ku yaalla dalka Australia.

Diyaaradda ayaa loo weeciyay garoonka Canberra oo ay muddo 8 daqiiqo ah ku sugneyd, maadaama ay hawada ay ku duuleysay xumeyd.

Mr. Graeme Samuel, oo ah guddoomiyaha waaxda oo ka hadlayay kulan ku saabsanaa duulimaadyada oo Australia ka dhacay ayaa ka carooday ganaaxa diyaaradda lagu soo rogay, isagoo yiri:

"Diyaarad si aan qorsheysnayn uga dagtay garoon ayaa lagu horgooyay gaari si aysan u duulin laguna khasbay inay $18,000 bixiso. Ma qiyaasi kara meel dunida ka mid ah oo arrintan oo kale ay ka dhici karto, malaha marka laga reebo Soomaaliya iyo Nairobi'', ayuu yiri Samuel.

Samuel ayaa intaasi ku daray in arrintaa lagu matali kara dhaqanka burcad badeedda Soomaalida oo kali ah.

Safiirka Kenya u fadhiya dalka Australia ayaa warqad cabsho ah u qoray wasaaradda arrimaha dibedda ee Australia, wuxuuna caro ka muujiyay arrintan wuxuuna sheegay "inay nasiib darro tahay in garoonka sida wayn loo qaddariyo ee Jomo Kenyatta aan lagu matali karin dhaqanka burcad badeedda"

Wuxuuna intaasi ku daray isaga oo hadalkiisii sii wata  ''Kenya ay kumanaan ciidan u dirtay Soomaaliya si ay gacan u gystaan soo celinta nabadda dal ay dunida inteeda badan xaaladiisa iska indha tirtay'.'

Graeme Samuel ayaa markiiba raalgelin ka bixiyay dhacdadaasi, wuxuuna sheegay inuusan u gol lahayn inuu xummaan u soo jiido garoonka Kenya.

Warqad uu u qoray safaaradda Kenya ee Australia ayaa ku sheegay inay wax ka khaldanaayeen xulashada erayadiisa.



50 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines