Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

War Deg-deg ah;- Ethiopia Oo Ku Dhawaaqday In Ay Heshiis Nabadeed La Saxeexanayso Eritrea



Tue 05 June 2018.

Dawlada Ethiopia ayaa sheegtay in ay si buuxda ugu hogaansamayso una aqbalayso go’aanka ay soosaarto gudida caalamiga ah ee dhinaca xuduudaha, si loo soo afjaro colaadii mudada dheer qaadatay ee dhextaalay Iyaga iyo dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea oo uu hore u dhex maray dagaalkii ugu qadhaadhaa ee dhinaca xuduudaha Africa ah sanadkii 1998dii

Xisbiga talada dalkaas Ethiopia haya ee EPRDF oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in go’aankan ay u qaateen si nabad looga dhaliyo gayigaas isla markaana ay u soo afjaraan colaadii kala dhaxaysay dalka ay jaarka yihiin ee Eritrea.

Tobanaan kun oo qof oo labada dhinacba ah ayaa ku dhintay dagaalkaas oo socday mudo 3 sano ah.

Labada dal ayaa ku jitay xaalad dagaal wixii ka dambeeyay markii ay Ethiopia ku gacan saydhay go;aan ay soo saareen gudidan xuduudaha ee caalamiga ah sanadkii 2000

Gudidan ayaa hore u shaacisay in qaybo ka mid ah dhulka lagu muransan yahay oo ay ku jirto magaalada ku taala xuduuda ee Badme in ay leedahay Eritrea.

Go’aankan gudida ayay ku gacan saydhay Ethiopia waxana ay diiday in ay ciidamadeeda kala baxdo dhulka lagu muransan yahay.

Talaabadan ay Ethiopia qaaday ayaa waxa ay la kulantay cambaarayn calami ah waxana loo aqoonsaday in ay Ethiopia xoog ku haysato dhul aanay lahayn, iyada oo Dawlada Eritrea ay diiday in ay wax gorgortan ah ka gasho arintan



79 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines