Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Sh. Mukhtar Rooboow Oo Markii Ugu Horaysay Dalka Ka Dhoofay Tan & Mudo Dheer.



Tue 05 June 2018.

Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansoor ayaa lasheegayaa in uu u dhoofay dalka Sucuudiga, waxana safarkan Abuu Mansuur uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee uu sheekhu sameeyo tan iyo markii uu ku biiray hogaankii Ururka Al Shabaab balse oo uu bilo ka kor kahor kasoo baxay kooxdaasi ayaa markii ugu horeesay uga baxay safar dalka dibadiisa. waxana ay warar aan helnay sheegayaan in Abuu Mansuur Sacuudiga u aaday si uu usoo cumreysto.

Wadaadkan oo Al Shabaab dhaxdiisa si weyn looga qadarin jiray ayaa go’aansaday in uu kooxdaasi kasoo baxo wadahadalana la galo Dowlada Soomaaliya, waxaana ugu dambeyn Abuu Mansuur iyo Dagaalyahano uu watay dagaal la galeen Al Shabaab.

Dowlada Mareykanka ayaa horey uga saartay Abuu Mansuur Liiska kooxaga loogu yeero argagaxisada, waana mida fududeesay in Abuu Mansuur isku soo dhiibo dowlada Soomaaliya una safro dalka dibadiisa.

Saraakiil sar sare oo horey uga soo baxay Al Shabaab ayaa hada kunool dalka dibadiisa oo laga siiyay magangalyo, halka kuwa kalana Dowlada xilal u magacawda qaarkoodna ku jiraan Taliska sare ee Hay’ada Nabad sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya.

Abuu Mansuur ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay u dhaxeeyay magaaalada Muqdisho iyo magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo, mana jiro ilaa hada wax xil ah uu ka hayo Abuu Mansuur dowlada Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.



60 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines