Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Weerar Lagu Dilay Xildhibaano ka Tirsan Hirshabeelle Oo ka Dhacay inta U Dhaxeysa Jowhar iyo Balcad



Tue 05 June 2018.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in kolonyo galbineysay Xildhibaano ka tirsna Hirshabeelle lagu weeraray agagaarka deegaanka Ceelka Geelow oo u dhaxeysa Balcad iyo Qalimow.

Dabley hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa weeraray kolonyada ciidan, waxaana la sheegay in dagaal muddo socday uu dhex maray ciidamo galbinayay Xildhibaanada.

Kolonyada galbineysay Xildhibaanada ayaa galabta ka soo ambabaxday magaalada Jowhar, iyagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle lagu dilay weerarka iyo 6 askar ka tirsan ciidamada dowladda, sidoo kale waxaa la gubay illaa labo gaari oo mid ka mid ah uu ahaa gaari kuwa dagaalka.

Inkastoo dhowaan ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa xoogga dalka la dejiyay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar, hadana ma aanay joojin weerarada Al-Shabaab ka geystaan inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad

Dhowr jeer oo hore ayaa weeraro ay geysteen dagaalmayaasha Shabaab oo ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa weeraradaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamo iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka.



89 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines