Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Puntland Oo Cambaareysay Lacagtii Dowladda Federaalka Soomaaliya Ugu Deeqday Somaliland.



Tue 05 June 2018.

Maamulka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay lacag hal milyan dollar ah oo shalay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku dhawaaqday in loogu deeqay Somaliland oo dhowaan ay deegaanadeeda ku dhufatay duufaan saameyn gaarsiisay dad iyo duunyo.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland C/llaahi Timacade ayaa sheegay in aanay ka soo horjeedin in lacagtaas la siiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Soomaaliya, balse ay ka walaacsan yihiin in loo adeegsado arrimo siyaasad in iyo abaabul colaadeed.

Mr Timacade ayaa sheegay in lacagtaas ay dhici karto in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi uu hub ku iibsado, isla markaana lagu huriyo colaadaka taagan Gobolka Sool.

Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa u dhaxeeya xiisado dagaal, waxaana dhowaan dagaalo labada dhinac ku dhex maray deegaanka Tukaraq, halkaasoo weli isku horfadhiyaan ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Guddiga qaran ee gurmadka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqay in Hal milyan oo doollar loogu deeqay saameynta duufaanadii ku dhuftay Somaliland, kaasoo waxyeelo gaarsiiyay dad iyo duunyo ku dhaqan deegaanada Somaliland.



91 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines