Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Baarlamaanka Itoobiya Oo Qaaday Xaaladdii Degdegga aheyd.



Tue 05 June 2018.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa u codeeyay in la qaado xaaladdii degdegga aheyd ee lagu soo rogay dalkaas bishii February ee sanadkan, taasoo qorshaha ahaa inay socoto lix bilood.

 

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii Sabtidii la soo dhaafay uu Golaha Wasiirada Xukuumadda Itoobiya isku raaceen in la soo gaba gabeeyo mudada xaaladda degdegga ah.

Ma jirin Xildhibaan diiday, balse 8 Xildhibaan ayaa ka aamusay codeyntan oo aheyd mid la filayay in Baarlamaanka qaado xukunka degdega, kaddib ansixintii Golaha Wasiirada

Tani ayaa u gogol xaaraysa in is bedel uu ku yimid xaalada dalka Itoobiya, kaddib saddex sano oo dalkaas ka jiray kacdoono rabshado watay oo ka dhan ah dowladda, kaasoo sababay dhimashada boqolaal ruux, iyo xarigga tobanaan kun oo xabsi loo taxaabay.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed ayaa balan-qaaday inuu is bedel ku sameynayo xaalada siyaasadeed ee dalka, isla markaana uu qaadayo tallaabooyin lagu soo celinayo degenaanshaha iyo xuquuqda rayidka ah.

Boqolaal maxaabiis u xirnaa arrimo siyaasadeed ayaa xabsiyada laga sii daayay, waxaana markii u horeysay dalka Itoobiya dib ugu laabtay siyaasiyiinta mucaaradka ee musaafuriska ku maqnaa.

 


51 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines