Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ururka Xasarada Aduunka Ee ICG Oo ka Digtay in Xiisada Khaliijka Saameyn ku yeellato Soomaaliya.



Tue 05 June 2018.

Kooxda xasaradaha Adduunka ee ICG ayaa ka digay in khilaafka u dhexeeya dowladaha khaliijka Carabta inuu saameyn ku yeesho degenaanshaha Soomaaliya.

War ay soo saartay kooxda ayaa loogu baaqay Siyaasiyiinta Soomaalida inay joojiyaan inay lakala jirsadaan dhinacyada isku haya khilaafka ka taagan Khaliijka, sida Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo iyo dowladda Qatar.

ICG ayaa sidoo kale sheegtay in khilaafka Khaliijka ay khatar gelin karto qalalaasaha isa soo taraya ee Soomaaliya gudaheeda ka jirta, sida Muqdisho iyo deegaanada maamulka Somaliland.

Ururka Xasaradaha caalamka ayaa ku baaqay wada hadal dhexmara dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, kaddib markii labada dal uu xiriirkooda mugdi soo dhex galay, kaddib tallaabooyin ay qaaday dowladda Soomaaliya oo ay ka carootay Imaaraadka Carabta.

Waxaa ay sheegeen in xasilooni darro dheeri ah oo ka dhacda Soomaaliya in ay ka faa’iidi karaan Kooxaha la dagaalama dowladda Soomaaliya ee jihaad doonka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa mowqif dhex dhexaad ka qaadatay khilaafka Khaliijka, inkastoo Maamul goboleedyada taageersan Sacuudiga iyo Imaaraadka ay ku dhaliileen inay dhinac la jirsatay oo ay Qatar xigsatay.

Khilaafka muddada sanadka ah u dhaxeeya awoodahaas  Bariga Dhexe ayaa haatan halis weyn ku haya Soomaaliya, waxaana laga  digayaa in ay burburiyaan guulaha ilaa iyo iminka laga gaaray soo  kabashada Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ICG.



97 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines