Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Cadho ka Dhalatay Madaxweyne Goob Fagaaro ah ku Dhunkaday Haween.



Mon 04 June 2018.

Madaxweynaha dalka Philippine Rodrigo Duterte ayaa la kulmay dhaleeceen kaddib markii uu soo muqday isagoo dhunkanaya mid kamid ah shaqaalaha dalkaasi xilli ay socotay munaasabad toos ah.

Duterte oo ka hadlaayay munaasabad dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa goobta ugu yeeray haweeney, wuxuuna ka dhaadhiciyay inay dhunkato,isagoo labada gabdhood midkood ka dhunkaday dhabanka halka midda kalena uu ka dhunkaday bishimaha ama afka.

Goobta uu Duterte ku dhunkaday gabadhaha waxaa hareeyay sawaxan iyo qaylo, waxaana inta badan samaynayay shaqaalaha dalkaasi Philiphine.

Waxaa lagu tilmaamay tallaabada Madaxweynaha arrin aan habboonayn oo waxyeello loogu gaysnaya sumacadda haweenka, sida uu sheegay Gabriela oo u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka.

Mid kamid ah haweenka uu madaxweyanaha dhunkaday ayaa markii dambe sheegtay inaysan wax dhibaata ah ku jirin arrintaasi lagu sameeyay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo madaxweyne Duterte lagu eedeeyay inuu sameeyay dabeecad aan wanaasagnayn oo ka dhan haweenka, dhacdadani ayaa dhacday xilli madaxweyanaha Philiphine uu shaqaale u dhashay dalkiisa uu kula hadlaayay magaalada Seoul.

Labo haween ayaa lagu casuumay inay madaxweynaha kula soo biiraan goobtii uu khudbada ka jeedinyay si ay u qataan buuga bilaash ah, waxaana la arkayay iyagoo si dhaw u garab taagan Madaxweynaha.

Ururada u doodo xuquuqda haweenka dalka Philiphine ayaa cambaareeyay dhacdadani.

Haweeneyda oo lagu sheegay magaceeda Bea Kim oo ay soo xigtay wakaaladdda wararka ee Philippine ayaa sheegtay in madaxweynaha uu weyddiyay in la guursaday iyo in kale, waxayna ugu jawaabtay inay wada joogaan nin u dhashay Kuuriyada Koonfureed.

Sikastaba ha ahaatee Madaxwayne Duterte ayaa lagu yaqaana hadallada iyo ficilada noocan oo kale ah,waxaana xusid mudan in horraantii sanadkani uu ciidamada dalkiisa ku amray inay haweenka mucaaradka ku ah dalkaasi ay ka toogtaan xubinta taranka.



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines