Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Khasaaraha ka Dhashay Foolkaanadii ka Qaraxday Dalka Guatemala Oo la Shaaciyay.



Mon 04 June 2018.

Foolkaanadii ugu xumayd abid ayaa ka qaraxday dalka Guatemala in kabadan qarni ayaa dishay 33 qof sida ay sheegaan saraakiisha dalkaas.

Tobonaan kale ayaa lala'yahay, sida ay sheegtay hay'adda maaraynta musiibooyinka ee dalkaas.

Tuulooyin u dhawaa halka ay ka qaraxday foolkanada lagu magacaabo Fuego ayaa waxaa gabi ahaanba aasay dambas, dhoobo iyo dhagxaan salli ah kadib markii ay dillaacday foolkanadu taas oo socotay 16 saacadood iyo bar maalintii axadda ahayd ee lasoo dhaafay.

Madaxweyne Jimmy Morales ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroor diiq qaran ah.

Dhanka kale xeebaha Guatemala ayaa sidoo kale waxaa ku dhuftay dhul gariir in kastoo aan wali lasoo sheegin khasaare ka dhashay halkaas.



31 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines