Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Oo Xilkii ka Qaaday Saraakiil Sar sare.



Mon 04 June 2018.

Saraakiil Sar sare oo ka tirsan dowladda Kuuriyadda Waqooyi ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha dalkaasi uu si deg deg ah xilka uga qaaday saddex sarkaal oo sar sare, kuwaasoo hoggaamin jiray ciidamada xoogga.

Kim Jun U-n ayaa laga soo xigtay in arintaan ay qeyb ka tahay horumaradda iyo Isbadeladda ka hana qaaday dalkaasi oo muddo ay saarneyn cuna qabateyn adag.

Dadka Kuuriyada Waqooyi ayaa u arka Mareykanka cadow,waxaana arrintani ay u muuqataa mid xiriir la leh cabsidaasi,maadaama dhawaanahay ay warbaahinta dalkaasi ka gaabsatay dacaayadii laga fidin jiray Mareykanka, laguna bedelay wararka ku saabsan kulanka hoggaamiyaasha labada dal.

Dadka xilka laga qaaday waxaa ka mid ah wasiirkii gaashaandhigga, taliyihii ciidamada iyo ninka u qaabilsanaa xafiiska guud ee siyaasadda .

Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in arintaan ay la xariirto in saraakiishaasi ay kasoo horjeeddaan Burburtinta xaruntii Nucleerka iyo waanwaanta Mareykanka.



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines