Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Darawal Mooto Bajaajle ah Oo Lagu Dilay Muqdisho.



Mon 04 June 2018.

Askari ka tirsan ciidanka loo yaqaano Minishiibiyada ayaa maanta degmada Waaberi ku dilay Darawal kaxenayay mooyo bajaaj, kaddib markii ay murmeen ka hor inta uusan dilka dhicin.

 

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu baxsaday, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, waxaana meydka mar dambe loo qaaday xarunta CID.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay labo darawal mooto bajaajle ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilkooda ka dambeeyay ciidamo ka tirsan dowladda.

Darawalada mooto bajaajka ayaa dhibaatooyin kala kulma ciidanka dowladda, waxaana joogto noqotay dilka loo geysto.

Dhacdooyinkii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay Muqdisho ayaa waxay u badnaayeen isku dhacyo ciidanka dowladda dhexdooda oo dhibaatooyin ka soo gaarta shacabka iyo dilal kooxo hubeysan ay fuliyaan, waxaana xaaladahan ka mid noqdeen falalka amni daro ee magaalada ka dhacaya.



87 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines