Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mudaharaadyada ka Socda Kashmiir Oo sii Xoogeystay Kadib Markii Gaadhi La Jiidhsiiyay Wiil-yar.



Sat 02 June 2018.

Dibedbaxyada looga soo horjeeda maamulka Hindiya ee kashmiir ayaa sii balaartay kadib markii mid ka mid ah laba dibedbaxayaal oo gaari jiiray uu dhintay.

Booliska ayaa oodda kaga qaaday sunta dadka ka ilmeysiisa boqolaal dibedbaxayaal ah kuwaasi oo ka qeyb galayay aaska Kaiser Bhat oo uu caasimadda Srinagar gaari ku jiiray.

Maamulka ayaa Bandow ku soo ragay qeybo ka mid ah caasimadda, sidoo kalana waxaa la xiray adeegga Internetka.

Khalalaasahan ayaa bilowday kadib markii boolis aad u hubeysan ay galeen Misaajid ku yaalla caasimadda oo ay ku sheegeen in uu xarun u yahay maleeshiyada.

Saraakiisha amniga ayaa sheegay in booliska ay isdifaacayeen balse qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in si kas ah ay gaariga ugu soo wadeen goob dad buuxay.

Muuqaallo argagax ah oo muujinya gaariga baarlamaanka oo wajiga wiilka yar jiiraya ayaa lagu dhex wareejinayay baraha bulshada.

Sidoo kale Caasimada Kaashmiir ayaa Maanta inta badan ganacsiga la xiray waxaana waddooyinka ka muuqanayay boolis aad u hubaysan,waxaana xusid mudan inay Kashmiir tahay goob ay isku haystaan Hindiya iyo Pakistan.



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines