Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Golaha Wasiirada Itoobiya Oo Maanta Soo Saaray Qaraar Ka Dhan Ah Xaalada Deg Dega Ah Ee Saaran Dalkaasi.



Sat 02 June 2018.

Golaha Wasiirrada dawlada  Ethiopia ayaa maanta ansixiyay sharci ogolaanaya in la qaado xaaladda dag daga ah ee dalkaasi saarneyd tan iyo bishii Feberuary  ee sannadkaan.

Bandooga  ayaa ka danbeeyay ka dib mudo bilo ah oo ay dalkaasi ka dhacayeen rabshado ruxay gobollo badan oo Itoobiya ah kuwaas oo lagaga soo horjeeday dawlada.

Madaxa xafiiska Ra’isulwasaaraha, Fitsuma Arega ayaa maanta sheegay in Golaha Wasiirada ay dib u eegeen xaaladda amni ee Itoobiya, ka dibna ay isku raaceen in dib loo soo celiyay amnigi iyo kala danbeynti.

Qaraarkan ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ayaa loo gudbin doonaa baarlamaanka Itoobiya si uu u qiimeeyo. Lama oga waqtiga rasmiga ah ee ay ka doodi doonaan.

Tallaabadan  ay dawladda ku qaadeyso xaalada deg dega ah ee saarneyd dhamaan Itoobiya ayaa noqoneysa isbadalki ugu weynaa ee uu Ra’isulwasaaraha cusub ee dalkaasi la yimaado.

Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa si cad u sheegay inuu doonayo inuu Ethiopia ka sameeyo isbadallo siyaasadeed.



65 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines