Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Sheegay in Shabaab Saldhigyo ka Sameysanayaan Buuraleeyda Gobolka Gedo.



Sat 02 June 2018.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Max’ed Cabdi Kaliil oo ku sugan magaalada Baardheere ayaa sheegay in Maleeyshiyaadka Al-shabaab ay fariisimo ka dhigteen dhulka buuraleeyda ah ee gobolka Gedo, isagoo xusay in ay qorsheeynayaan in gobolkan ay ka dhigtaan halka ay ka abaabulaan weerarradan.

Masuulkan ayaa xusay in Shabaab isaga kala yimid gobollada Soomaaliya ay isugu yimaadeen gobolka.

“Gobolka Gedo wuxuu noqday meel ay Shabaab isku urursadaan oo Soomaaliya inteeda kale uga duulaan, Waxay arintaasi ku doorteen waxaa weeye waa gobol Ballaaran, xoolaha qani ku ah, Buuraleey ah, xad la leh dowladaha Soomaaliya dariska la ah, waxay dhigteen maxastoodii, si awood leh oo ballaaran bayna u dageen, Soomaaliya inteedii kale way kasoo fududaadeen,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedka Jubbaland iyo dalalka Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka Shabaab ayuu ugu baaqay in ay arrintan deg-deg wax uga qabtaan.

“Waa Qatar horleh oo soo wajahday Soomaaliya iyo dowladaha deriska intaba hadii aan degdeg buuraleeyda Gedo looga saarin Shabaab,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Gobolka Gedo ayaa ah gobolka labaad ee baaxad ahaan ugu weyn gobollada Soomaaliya, waana gobolka Keliya ee dalkeenna ee xuduudda la leh laba dal, kuwaa oo kala ah Kenya iyo Itoobiya.



28 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines