Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Taliska Militariga Oo Awaamiir kasoo Saaray Isku Dhacyada Ciidamada.



Sat 02 June 2018.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa digniin kasoo saaray Isku dhacyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka socdeen falal Amniga Khatar ku ah, maadaama ay jireen iska horimaadyo ka dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa uga digay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan Saldhigyadooda Amar la’aan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada xasilinta sidoo kale laga doonaayo in ay tixgaliyaan ciidamada kale oo ay weydiiyaan aqoonsiyadda ay wataan.

Warka soo baxay taliska militariga ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xasilinta lagu eedeeyay in ay magaalada Muqdisho ku dileen ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo magaalada hub ku dhex-watay.



105 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines