Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Booliska Soomaaliya Oo Lagu Wareejiyay Gaadiid Wata Qalab ka Hortaga Qaraxyada.(Sawiro)



Sat 02 June 2018.

Dowladda Talyaaniga ayaa Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ku wareejisay illaa saddex gaari oo labo ka mid ah ay yihiin gaadiidka loo yaqaano BMW, kaasoo ay ku xiran yihiin qalab ka hortagga qaraxyada iyo daba galka dambiyada

Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ku wareejiyay furayaasha gaadiidkan iyo agabyada loo isticmaalayo gaadiidka ka hortaga qaraxyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan qalabkan lagu wareejiyay, kaasoo uu xusay in loo adeegsanayo howlaha sugida amniga, isla markaana ay rajeynayaan inay wax badan ka badali doonaan xaalada amniga ee Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa heysan qalabkii loogu tala galay ka hortaga iyo baaritaanada qaraxyada, taasoo keenta in gaadiid waxyaabaha qarxa lagu soo xiro in magaalada uu ku qarxo.



27 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines