Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Daawo Puntland Oo Somaliland ku Eedeysay Dagaal Xalay ka Dhacay gobolka Bari.



Sat 02 June 2018.

Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray dagaal xalay ka dhacay Togga Balli-Khadar ee Buuraha Calmadow ee Galgala, iyagoo ku eedeeyay in Somaliland ay qeyb ka aheyd weerarkaas oo ay goor sii horeysay mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Puntland Axmed C/llaahi Yuusuf ayaa ku eedeeyay Somaliland in weerarkaas iyaga iyo Shabaabka ku soo qaadeen, isla markaana la iska difaacay.

“Waxaan rabnaa inaan u sheegno shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka in xalay saqdii dhexe in Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Hargeysa ay weerar ku soo qaadeen saldhigga Balli-Khadar, waxaa weerarkaas hoggaaminayay Maxamed C/llaahi Bataar oo ka tirsan Guutada 8aad ee Maamulka Somaliland”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkaas uu dhankooda ka soo gaaray khasaare kooban, isla markaana ay dhinaca kale ee weerarka soo qaaday ay jab xooggan gaarsiiyeen sida uu hadalka u dhigay.

“Maamulka Hargeysa iyo Argagixisada waa isku milmeen, waxayna isku baheysteen waxyeeleynta iyo degenaansho la’aanta Umadda Soomaaliyeed, marka laga reebo Maamulka Hargeysa”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Al-Shabaab oo saldhigyo ku leh Buuraha Galgala ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xalay lagu qaaday saldhigga ciidanka Puntland ee Bali-Khadar, waxaana ay sheegeen inay burburiyeen saldhigaas, khasaare kala duwan ugu geysteen Shabaabka.

Puntland ayaa xilligan dhowr aag oo dagaal kaga furan deegaano badan, sida Daacish iyo Al-Shabaab oo dhanka buuraleyda Gobolka Bari iyo dagaalka kale ee ka taagan deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.



35 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines