Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Sacuudiga Oo Tallaabo Milateri Ugu Hanjabay Qatar, Haddii ay soo Iibsato Gantaalada Ruushka.



Sat 02 June 2018.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku hanjabtay tallaabo milateri oo ka dhan ah Qatar, haddii ay soo iibsato gantaalada difaaca Cirka ee S-400, kaasoo uu sameeyo Ruushka.

 

Wargeyska Le Monde ayaa qortay in Sacuudiga uu walaac ka muujiyay tallaabada Qatar ay ku keensaneyso gantaalkaas, waxaana uu warqad u qoray Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, isagoo ka dalbaday inuu soo farageliyo heshiiska Ruushka iyo Qatar, si gacan looga geysto xasiloonida Gobolka.

Wargeyska ayaa sheegay Sacuudiga uu diyaar u yahay inay qaadaan wax walba oo lagama maarmaan u ah in lagu tirtiro gantaalada difaaca hawada oo ay ku jirto Tallaabo Milateri.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa muujiyay walaaciisa ku aadan wada hadalada Doxa iyo Moscow, isagoo ka digay qatarta sii kordheysa ee arrintan la xiriira.

Ma jirin wax jawaab degdeg ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweyna Macron iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska oo ku saabsan qoraalka uga yimid Boqorka Sacuudiga.

Xulafada uu hoggaamiyo Sacuudiga ayaa bishii June ee sanadkii hore xiriirka u jaray dalka Qatar, iyagoo saaray go’doomin, kaddib markii ay ku eedeeyeen in Qatar taageerto Argagixisada.

Qatar ayaa bilowday inay saaxibo cusub raadsato, kaddib markii xayiraadaha lagu soo rogay, waxaana albaab cusub u furmay xiriir dhex mara Qatar iyo Ruushka.

Bishii January ee sanadkan waxaa jiray wada hadalo dhex maray Qatar iyo Ruushka oo la xiriira hub casri ah oo Qatar ka iibsaneyso Ruushka oo ku kacaya mallaayiin doolar.



41 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines