Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Mareykanka Oo Sheegay Inuu Duqeyn ku Dilay Xubno ka Tirsan Dagaalamayaasha Al-Shabaab.



Fri 01 June 2018.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in weerar cirka ah oo 31 May ka fuliyay meel 30KM koofur galbeed ka xigta magaalada Muqdisho lagu beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Shabaab.

Taliska Mareykanka Afrika ayaa sheegay in 12 dagaalyahan lagu dilay weerarka, inkastoo aan la sheegin goobta rasmiga ee duqeynta ka dhacday.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in aanay jirin dad rayid ah oo weerarkaas wax ku noqotay.

Mareykanka ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Shabaab, waxaana sanadkan kordhay weerarada uu ka fuliyo Koofurta Soomaaliya.



63 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines