Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Qorshe Lagu Dhisayo Taalada Sayid Maxamed Cabadalle Xasan Oo Laga Bilaabay Magaalada Hargaysa.



Fri 01 June 2018.

Kooxdan aqoonyahanka ah ee isku xilsaaray hirgalinta taaladan ayaa waxa hormood ka ah Cabdiwahaab Suldaan Cumar Xaaji Daahir “Canule” iyo Dr. Mustafe Maxamed Cabdi “Wayrax”, kuwaas oo maalmihii ugu danbeeyey ku gudda jiray qorshan ay taalada ugu dhisayaan halgamaagii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan
 
Qorshahan muwaadiniintan iskood isu xilka saaray ku hawlan yihiin ayaa lagu wadaa in lagu hirgaliyo si si dhokhso ah.

Dhinaca kale muwaadiniinta hawshani wada ayaa waxa ay baaq u direen madaxda Somaliland ee uu ugu horeeyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in ay gacan ku siiyaan hirgalinta mashruucan

Ujeedada taaladan muwaadiniintani uga dhisayaan Sayid Maxamed Cabdule Xasan magaalada Hargeysa ayaa waxa sheegeen si loogu xasuusto isla markaasina aanay u lumin taariikhdii halgankii Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo mujaahidiintii Daraawiistu lagaleen gumaystihii Ingiriiska.

Sikastaba ha ahaatee Magaalada Jigjiga ee caasimadda ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa horay looga taagay taallo lagu weyneynaayo halgankii Sayidka, waxaana la ogsoon yahay taariikhda inuu dagaal la galay xabashadii.

Dhinaca kale hirgalinta taaladan ayaa hadii lagu guulaysto waxa ay kaalin weyn ka qaadan doontaa in ay meesha ka baxdo dacaayadaha been abuurka ah ee bulshada reer Somaliland laga faafiyey taasoo ah in ay kasoo horjeedaan isla markaasina aanay jeclayn taariikhda iyo halgankii Sayid Maxamed Cabdile Xasan lagalay gumaysiga.

Isku soo wada duuboo waxa laga dhur-sugayaa qaabka iyo hanaanka kooxdan aqoonyahanka ahi u hirgaliso taaladan oo noqondoonta mid saamayn badan oo dhinacyo badan leh.

 



102 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines