Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koofurgalbeed Oo soo Gaadhay Muqdisho.(Sawiro)



Fri 01 June 2018.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare Koofurgalbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho kadib markii ay maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Madaxdan ayaa waxaa garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda Federaalka, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogay magaalada Nairobi kulamo kula soo qaatay qaar ka mid ah ururada caalamiga ee daneeya arrimaha Soomaaliya kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo laga hirgaliyo Deegaanada iyo dhisida ciidamada Boliiska Hirshabelle.

Labada Madaxweyne ayaa u gudbi doona magaalada Baydhabo halkaa oo uu dhowaan ka dhici doono shirka golaha Amniga Qaranka oo ay ka qeyb galayaan dowlad goboleedyada dalka ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.



96 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines