Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ciidamada Dowladda Oo Toogasho ku Dilay Labo Qof Oo Hubeysnaa Degmada Dherkeenley Ee Muqdisho.



Fri 01 June 2018.

Ciidamada dowlada ayaa toogasho ku diley labo ruux oo la sheegay inay hubeysnaayeen degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

Toogashadan ayaa ka dhacday xaafadda Xoosh ee degmada Dherkeenley iyadoo la sheegay in iska horimaad hubeysan uu dhex maray ciidamada ammaanka iyo labada ruux ee la diley.

Wali kama aysan hadlin maamulka degmada dilkan, hasse ahaatee maalmihii ugu danbeeyayba waxaa jiray cabasho ay muujinayeen dadka deegaanka oo la xiriirtay dhac rag ku labisan dareyska ciidamada u geystaan xiliyada habeenkii.

Ciidamada xasilinta ayaa habeen ka hor howlgal waxa ay ka sameeyeen Waaxda saddexaad ee degmadaasi Dharlenley,iyaga oo ku soo qabtay rag hubeysan oo dhac u geysan jiray dadka shacabka.



77 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines