Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisal Wasaarihii Spain Oo Shaqada Laga Eryay.



Fri 01 June 2018.

Ra’iisul wasaaraha dalka Spain Mariano Rajoy ayaa shaqadii laga eryay kadib markii ay codka kalsoonida uu u qaaday Baarlamaanka dalka Spain.

Hogaamiyaha  xisbiga hantiwadaaga Pedro Sanchez oo baarlamaanka geeyay mooshin ka dhan ah  ra’iisal wasaaraha kuna eedeeyay musuqmaasuq ayaa noqonaya ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Spain.

“Waxaan bilaabaynaa bog cusub oo ah taariiqda dimuqraadiyada dalkeena.”ayuu yiri Sánchez.

Mr Rajoy ayaa noqonaya ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee taariiqda cusub ee dalka Spain kaasoo ka waaya codka kalsoonida baarlamaanka dalkiisa.

Hogaamiyaha xisbiga muxaafadka Mr Rajoy ayaa ahaa ra’iisul wasaaraha dalka Spain tan iyo sanadkii 2011.

Mr Rajoy ayaa maalintii labaad ee ay xildhibaanada baarlamaanka Spain ka doodayeen mooshinka laga geeyay waxa uu aqbalay in uu xilka ka dego.



84 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines