Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Diyaarado yaryar oo suuqa uga soo adeegaya dadka Shiinaha.



Fri 01 June 2018.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa laga bilaabay oo la fasaxay in isticmaali karo diyaaradaha yaryar in ay alaabaha, gaar ahaan cuntooyinka dadka macaamiisha ah guryahooda ugu geeyaan.

 

Shirkadda Ele.me oo ay leedahay shirkadda weyn ee iibka internetke, Alibab, ayaa loo fasaxay in ay diyaaradaha dhulka laga hago u isticmaasho illaa 17 qad oo hawada ah si ay cuntooyinka ay dalbadeen ugu geyso dad macaamiil ah.

Macaamiisha ayaa adeegooda ku heli kara muddo 20 daqiiqo ah laga bilaabo marka ay dalbadaan. Waxayna adeegan ka heli karaan illaa 100 maqaayadood oo isu diiwaangaliyay in ay bixiyaan adeeggan casriga ah.

Balse diyaaradahan yaryar toos uguma geynayaan alaabta macaamiisha, ee waxa ay ku dagayaan xarun ay shirkadda leedahay oo ku yaala meelo cayiman, halkaas oo shaqaale ay ka qaadanayaan, kadibna u geynayaan qofkii dalbaday oo xaafadaas degen.

Diyaarad kasta ayaa qaadi karta illaa dhawr kiilo oo cunto ah, waxayna goyn kartaa masaafo ku dhow 60km.



81 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines