Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Dawlada South Africa Oo ka Hadashay Cadha ka Dhalatay Gabdho Qaawani Heeso ku soo Bandhigay.



Thu 31 May 2018.

Koox gabdha ah oo Koonfur Afrika u dhashay oo iyaga oo isa soo qaawiyey dugsigooda ku soo bandhigay heeso cadhada ka dhalatay ayaa waxay keentay in amar lagu siiyo wasiirka waxbarshada dalkaasi inuu arrinta baaritaan degdeg ah uu ku sameeyo.

Angie Motshekga ayaa waxay sheegtay "iney arrinta ay niyad jab ku abuurtay" kaddib marki ay aragtay muuqaalka gabdhaha Xhosa ee xiran marada yar oo aan cawrada astureyn ee loo yaqaanno "inkciyo"

Wasiirka waxbarshada assasiga ee dalka Koonfur Afrika ayaa wuxuu dhacdadani ku tilmaamay "sharaf dhac aad u weyn oo loo geystay qiimaha uu laha dhaankeenna."

Balse arrinta waxaa si weyn u difaacay maamulka dugsiga ee soo qaban qaabiyey bandhigga kuna sheegay iney dadka xaq u leeyihiin iney waxay rabaan doortaan- weliba uu aad ugu faanayo.

Sida ay qortay shabakadda la yirahdo 'South Africa's Daily Dispatch', macallin aan magaciisa la sheegin ayaa wuxuu u sheegay "inuu ku faraxsan yahay dhaqan Xhosa ee aan leennahay. Waana ku faaneynaa dhaqankayaga ee 'inkiciyo. Waxaanna sida oo kale ku faaneynaa haweenka iyo gabdhaha Xhosa.'"

Muuqalka cadhada ka dhalatay ee gabdhaha oo lagu soo bandhigay tartan ka dhacay Mathatha, ee Bariga Cape, waxay soo ifbaxday toddobaadkan iyada muuqaalka gabdhaha uu muujinayo iyaga oo koox ah oo masrax ku heesaya isla-markaana soo qaawiyey naasaha iyo badhiyaha.

Muuqaalkana waxaa laga soo duubay munaasabad lagu soo bandhigay dhaqanka Xhosa, sida ay qortay shabakadda South African website TimesLive.

Arrinta ayaa waxay si gaar ah u taabaneysaa wasaaradda waxbarashada qaranka ee ay mas'uulka ka tahay Ms Motshekga'.

Wasiiradda waxbarashada oo arimahaasi ka hadlaysa ayaa tidhi "Gebi ahaanna arrintan ka mid ma aha waajibaadka loo igmaday ama loo xilsaray macallinka inuu guto, iyada oo ay weliba tahay ariintu mid ay gabdhaha da'da yar ay cadadis ku saarayaan iney sameeyaan. "

"Inaad dhaqankaaga iyo caadada aad leedahay ku faanto wax dhib ah kuma jiro, balse ma jirto baahi keeneyso iney carruurtan yaryar ay qaawani dhaqan ku soo bandhigaan." wasiirada oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi "Sharaf dhaca sideedaba wuxuu ka horimanayaa qiimaha dhaqanka uu leeyahay."

 

 



32 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines