Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Cabdiraxmaan Aw Cali Oo Somaliland Uga Digay Dagaalka Tukoraq Ee ay kula Jirto Puntland.



Thu 31 May 2018.

Madaxwayne Ku Xigeenkii hore ee somaliland Wakhtigii Marxuum Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Ayaa sheegay inaanay somaliland marna diyaar u ahayn in ay dagaal ku qaado maamul puntland,waxaana uu soo jeediyay in ay nabad loo baahan yahay.

Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa sheegay inaanay somaliland dhul ku haysan somaliya balse ay doonayso in ay xadkeeda si nabad galiyaha ah ku soo xidhato,waxaana uu yidhi.

"Hadaanu reer somaliland nahay colaadaas sokeeye dooni mayno,dhiig soomaliyeed iyo mid islaam oo daata dooni mayno,markaas waxaan leeyahay caqliga iyo miyirka badiya somaliland dhul idinkama haysato meelna idinkama doonayso oo nabad cid waliba haka shaqayso.

Intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata."mar labaad waxaanu leenahay gardaro dhinacayaga waa ka xaraan idinkana waxaanu leenahay caqligu ha shaqeeyo oo aynu noqon dad walaalo ah oo nabad ku wadda shaqeeya oo jaar ah aynu noqon,fariinta aanu dirayno waa kaas ta ay xukuumadu dirtayna waa taas waliba shacabkaygu tay dirayaan waa nabad,anaguna madoonayno inaanu somali isdilno oo aynu ka soo bilawno halkii hore.Sidaas ayaa uu yidhi isaga oo la hadlayay tvga SAABTV

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka dhaxleen midawgii ay somaliland la midowday somaliya."markaanu somaliya midawgii u gaynay waa la ogyahay dhibaatadii baaxadda lahayd ee aynu ka dhaxalnay,markaas waligayo dadka somaliyeed colaad uma hayno anaguna waxaanu la dagaalanay Reer Lakiin waxaanu la dagaalanay rajiim Umadda dhibaato u gaystay.



91 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines