Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxweyne Farmaajo Oo Sheegay in Al-shabaab Damacsan yihiin in ay Iska Horkeenaan Dadka Kenyaanka ah.



Thu 31 May 2018.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeybgalay kulan duco ah oo ka dhacay magaalada Nairobi ayaa digniin u diray shacabka Kenya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay in bulshada ku dhaqan Kenya in Al-shabaab qorsheynayaan in ay iska horkeenaan sida uu hadalka u dhiggay dadka muslimika ah iyo kuwa aan muslimka aheyn.

Al-shabaab ayuu sheegayan in ay doonayaan in ay ka careysiiyaan dadka masiixiyiinta ah kaddib ay weerar ku qaadaan dadka kale ee Kenyaan ah ee muslimka ah iyaga uga aargoosanaya ayuu yiri falalka Al-shabaab ay kula kacayaan dadka aan muslimka aheyn ee Kenyaanka ah.

“Markay Kenya ku weeraraan qof aan Muslim ahayn ama Kiristaan ah, Al Shabaab waxay doonayaan in ay kala qaybiso Muslimiinta iyo Kiristaanka Kenya, si Kiristaanku ay uga aargoostaan dadka Muslimiinta ahee nabbada jecel ee dalkan wayn ku nool”. Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo

Xoogagga Al-shabaab ayaa marar badan oo hore weeraro kala duwan ka geystay qeybo ka mid ah dalka Kenya, weerarrada qaar ayaa la sheegay in Al-shabaab ay dadka kala soocayeen iyaga oo leynayay dadka aan muslimka aheyn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in falalka Al-shabaab aan marnaba loo tiiirin karin dadka mulismka ah, isaga oo sheegay in labada dowladood Soomaaliya iyo Kenya looga baahan yahay in si wada jir ah u wajahaan dagaalka ka dhanka ah.



18 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines