Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Madaxda Ukrainian Oo Warbaahinta Hor-keentay Wariyihii Ruushka Ee Hore loo Shaaciyay In la Dilay.



Wed 30 May 2018.

Wariye Ruush ah oo hore loo shaciyay in lagu dilay magaalada Kiev ayaa kasoo muuqday taleefishin dalka Ukrainian isaga oo nool, islamarkaasna bad qaba.

Wariye Mr Babchenko iyo madaxa sirdoonka dalka Ukraine Vasyl Hrytsak, oo wada jir ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dilka uu ahaa mid la jilayay si loo ogaado shirqoolada sirdoonka Ruushka.

Xaaska Wariye Babchenko ayaa horey u sheegtay in ninkeeda dhabarka laga toogtay,isgoo hore uga qariyay xaaskiisa in dilkani uu yahay mid jilliin ah "gaar ahaan waxaan raali galinayaa xaaskeyda," ayuu yiri.

Ra'isulwasaaraha Ukraine ayaa mar sii horeysay dilka wariyaha, Mr. Bebchencho, ku eedeeyay dowladda Ruushka, iyada oo Ruushka ay ku baaqday in la baaro dilka, eeddana dusha ka saartay xukuumadda Kiev.



70 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines