Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Urur la Magac Baxay Al-Shabaab Oo Toban Qof ku Diley Dalka Mozambique.



Wed 30 May 2018.

Wararka ka imanaya dalka Mozambique ayaa sheegaya in rag lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin maleeshiyaad hubeysan ay ku dileen tuulo lagu magacaabo Monjane oo ka tirsan gobolka Cabo Delgado.Dadkan la diley oo sida la sheegay ay carruur ka mid ahaayeen ayaa dhammaantood qoorta laga jaray sida laga soo xigtey dadka deegaanka.

 

Urur la magac baxay Al-Shabaab oo aan la ogeyn in uu xiriir la leeyahay ururka Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa weeraro goos goos ah ka fuliya gobolka Cabo Delgado ee dalka Mozambique.

Ururkan oo la aasaasay sanadki 2015 oo malaayiin dollar ay ka soo gasho iibinta alwaaxda iyo nooc ka mid ah macdan  ayaa waxaa xubnaha ka tirsan ay ahaayeen kuwo taageersan wadaad asal raac ahaa oo ka soo jeeda dalka Kenya kaasoo la diley sanadkii 2012kii.

Dadka taabacsanaa wadaadkaas ayaa la sheegay in ay u guureen koofurta dalka Tanzania halka loo yaqaan Kibiti oo ku dhow xadka Mozambique siida ay qortay BBCdu

Booliska dalka Mozambique ayaa xabsiga dhigey ugu yaraan labo boqol oo ruux kuwaasoo lagu tuhmay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab howlgalo ay ciidamadu bilaabeen bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ayay dowlada Mozambique waxa ay dib u fureen lix masjid oo la xirey kadib markii lagu tuhmay inay xarumo ka dhiganayeen ururkan asal raaca ah, hase yeeshee illaa toddobo masjid ayay ciidamada dowladu burburiyeen.



51 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines