Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Golaha Wasiirada Somaliya Oo Ansixiyay Labo ka mid ah Hindise Sharciyeedyo Hor-yaalay.



Wed 30 May 2018.

Shirka Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dambiyadda Kufsiga iyo Hindise Sharciyeedka Nakhshadeynta Magaalooyinka Soomaaliya. Sidoo kalana waxaa warbixino kala duwan laga dhagaystay qaar kamid ah gollaha wasiiradda iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, Wasiirka amniga Gudaha Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa ka war bixiyay amniga guud ee dalka iyo dar-dar gelintiisa, guulaha laga gaaray iyo qorshayaasha hor-tebinta leh ee khuseeya sare u qaadidda amaanka si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad ay isku haleyn karaan.

Golaha Wasiiradda ayaa dood iyo falaqeyn dheer kaddib waxay isla garteen in la ansixiyay Sharciga Dambiyada Kufsiga oo ay golaha hor keentay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuq Insaanka Soomaaliya, sidoo kalena waxay meelmariyeen ansixita Sharciga Nakhshadeynta Magaalooyinka oo kulankii hore ay soo gudbisay wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska, waxayna sheegeen golluhu in sharicahn uu baahi badan dalku haatan u qabo.

Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko oo ka qeyb galay shirka ayaa mudanayaasha uga warbixiyay Qorshaha Suggidda Amniga Caasimadda, ee (SAMA), isaga oo sheegay in ay meel wanaagsan marsiinayaan, tallaabooyin wanaagsanna ay qaadeen tan iyo markii la bilaabay dar-dar gelinta Sugidda Amniga Caasimadda.

Ugu dambeyntii Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka warbixiyay qorshaha soo kabashada abaaraha iyo Fatahaadaha, waxaana uu ku dheeraaday soo bandhigidda dhibaatooyinka laga dhaxli karo abaaraha soo noq-noqda iyo sidoo kale duufaantii dhawaan ku dhufatay qeybo kamid ah dalka.



74 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines