Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Ra’iisul Wasaaraha Oo la Kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Itoobiya iyo Madax ka Tirsan Midowga Afrika.(Sawiro)



Sun 27 May 2018.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor inta uusan ka soo dhoofin waxaa uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan Midowga Afrika iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, waxaana ay si qoto dheer uga wada hadleen nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.

Mr Kheyre ayaa uga mahad celiyay taageerada midowga Afrika ay la garab taagan yihiin Soomaaliya iyo shaqada ay ka hayaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.

Sidoo kale waxaa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo qorshaha ay Ciidamada Soomaaliyeed ugala wareegayaan Ciidamada AMISOM.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sidoo kale la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu, waxaana ay ka wada hadleen arrimo badan oo labada dal dan u ah.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa qaadatay labo cisho, waxaana uu galabta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.



35 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines