Media
advertisement
  webmaster@awdalmedia.com

advertisement advertisement

NBA News and Scores

Askar ka Tirsan Ciidamada Ruushka Oo Lagu Dilay Gudaha Dalka Suuriya.



Sun 27 May 2018.

Ugu yaraan afar askari oo ka tirsan ciidamada Ruushka ayaa waxa ay xoogagga mucaaradka ku dileen gobolka Deir al-Zour.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in laba la taliyaal milatari oo u dhashay ruushka la dilay ka dib markii cutub ka tirsan milatariga suuriya oo ay hagayeen la soo weeraray.

Shan qof oo kale oo u dhashay Ruushka ayaa la dhaawacay halka laba ka mid ah ay markii dambe u dhinteen dhaawacyadaasi.

Ciidamada Suuriya ayaa magaalada Deir al-Zour bishii November qabsaday balse dagaalyahanada kooxda isku magaacwday dowladda Islaamka ayaa weli awood ku sii leh gobolka.

Inta la xaqiijiyay ilaa 90 qof oo u dhashay Ruushka ayaa ku dhintay gudaha dalka Suuriya

Wakaaladda wararka ee RIA ayaa sheegtay in koox argagixsa ah ay weerarka ku soo qaadday milatariga suuriya habeenimadii xalay.

Dhawacyada ayaa waxaa lagu daweynayaa cisbitaal ay leeyhihiin milatraiga Ruushka.

Wasaaradda difaaca ee Moscow ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay dileen 43 oo ka tirsan maleeshiyada weerarka soo qaadday.

Kooxda indha-indheysa xuquuqda aadanaha ee Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in weerada ay geeysteen kooxda isku magaacawday dowladda Islaamka ayna 35 askari oo ka tirsan xoogagga taabacsan xukuumadda Bashar Al Asad oo ay ku jiraan 9 qof oo ruushka u dhalatay ay ku dileen weerarka.

Ka dib toddobo sano oo uu dagaal Suuriya ka socday, dowladda Suuriya oo taageera ka helaysa Ruushka iyo iraan ayaa haatan maamusha inta badan bartamaha Suuriya oo ay ku jirto magaalada Xalab



86 Views



Disclaimer:
The comments uploaded on this site do not necessarily represent or reflect the views of awdalmedia.com. We reserve the right to exclude comments that we deem to be inconsistent with our editorial standards.


www.awdalmedia.com/page.php/

AwdalMedia Latest News Headlines